Ciidanka Duufaan oo xirtay aagga Godka jilicoow & Xaalad kacsan oo ka jirta halkaas

MUQDISHO-AYAAMAHA-Aagga daljirka dahsoon ee Magaalada Muqdisho ayaa wararka aan ka helayno waxaa uu sheegaya in ciidamada duufaan ee qeybta ka ah NISA ay saaka la wareegeen halkaasi.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa xirtay waddooyinka gala aagga godka jilicoow oo ay NISA ku shaqeyso iyadoo xiisad ay ka jirto halkaasi.

Warar la helayo ayaa sheegaya in saraakiisha nabad sugida qaarkood ay kala shaki ka dhex abuurantay taas oo khilaafkooda banaanka usoo baxay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaas loo soo diray inay ka hortagaan banaanbax ka dhaca dalka dahsoon oo ay diidan yihiin masuuliyiinta qaar ee dowladda iyo gobolka Banaadir oo kasoo horjeystay banaanbaxa la sheegay in cadaaladloogu raadinayo Ikraan talhiil oo la dilay.

Ciidamada Duufaan waxay hoostagaan Fahad Yaasiin iyadoo laga cabsi qabo isku dhac dhexmara ciidanka iyo saraakiisha hogaamisa ee is khilaafay.

Waxaa xiran isku socodka wadada daljirka dadkana waxay ka cabsi qabaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo halkaasi ka jira, mana jiro wax faahfaahin ah kasoo baxay sababta keentay in xiligaan ciidan lagu daaaljirka.

Cabsi ayaa ka taagan Magaalada Muqdisho taasoo sababtay khilaafka labada masuul ee ugu sarreysa dalka Farmaajo iyo Rooble oo lagu wado in dhowaan laxaliyo khilaafkaas, inkastoo aan wax natiijo ah laga gaarin shirarkii maalahaan socday ee lagu xalinaayey khilaafkaas.