Ciidanka Gorgor Oo Howlgal Kawada Gobalka Galgaduud.

DH/MAREEB-AYAAMAHA-Ciidamada Kumaandooska Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Hawlgalo xasilinta Amniga la xiriira ka wada degaano hoostagga Degmada Balanbale ee Waqooyiga Gobalka Galgaduud.

Howlgalka oo Maalintii Saddexaad si xiriir ah u socda ayaa waxaa uu yahay mid Amniga lagu xaqiijinayay, sidoo kalena lagu baadi goobayo maleeshiyaad dad Shacab ah ku laayay deegaanka Xirsi Lugey ee duleedka degmada Balanballe.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in, iyaga oo fulinta Amarka Madaxda Sare ee dalka iyo kuwa dowlad Goboleedka Galmudug inay baadi goob ku hayaan maleeshiyaadkii todobaadkii hore duleedka Balanballe ku dilay Shanta Ruux ee Shacabka ahaa.

Waxaa ay sheegeen in howlgalka uusan joogsan doonin ilaa Ciidamada ay gacanta uga dhigayaan dambiilayaasha, si Cadaaladda loo horkeeno.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in Galmudug ay qaadeyso tallaabo looga hortagayo dilalka aanooyinka qabiil la xiriira iyo sidii lagu soo qaban lahaa maleeshiyaadkii dilka geystay.