Ciidanka Haramcad iyo Al-Shabaab Oo Xalay Dagaal Dhexmaray.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ee Haramcad iyo Al-shabaab ayaa xalay waxaa uu dagaal ku dexmaray deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu bilowday ka gadaal markii xubno ka mid ah Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Bar koontarool oo Ciidanka Haramcad ay ku leeyihiin deegaanka Xaawo Cabdi gaar ahaan halka laga ilaaliyo wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Saraakiil ka tirsan Haramcad ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Shabaabka, isla markaana uu dhacay dagaal kooban oo dhexmaray dhinacyada, wallow markii dambe xaaladda ay si caadi ah kusoo laabatay.

Saddex kamid ah xubnihii weerarka ku qaaday Ciidanka Booliska ee ku sugnaa Barta koontarool ee ku leeyihiin deegaanka Xaawo Cabdi ayaa sido kale gacanta lagu dhigay, iyagoona lasoo bandhigay gaari NOHA ah oo.ay wateen.

Al-shabaab ayaa horey weeraro isugu jiray kuwo toos ah iyo Qaraxyo khasaaro dhaliyey ku qaaday Injineero Turki ah iyo Ciidanka Booliska Haramcad oo ku sugnaa wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.