Ciidanka Kumaandooska DANAB oo howlgal qorsheysan fuliyay

SHABEELAHA HOOSE-AYAAMAHA-

Ciidanka Kumaandooska  xoogga dalka Soomaaliyeed ee DAMAB gaar ahaan Ururka 4aad Guutada 16aad ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey degaanada kala ah warmaxan & furuqley oo kawada tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalka ayaa u jeedkiisu ahaa la dagaalanka Al-Shabaab oo kararka qaar lagu arko degaannada howlgalka laga sameeyay.

Saraakiil kayirsan Ciidanka DANAB ayaa sheegay in howlgalka kula wareegeen degaannada howlgalka laga fuliyay, isla markaana ay xaqiijiyeen Amniga degaannadaas.

Degmooyinka iyo degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee Ciidanka Kumaandooska DANAB ay howlgallada qorsheysan.