Ciidanka Talyaaniga Oo Lagu Amray Inay Ka Baxaan Saldhigga Cirka ee Al-Minhad.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciiddanka Talyaaniga ee ku sugan Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Al-Minhad ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu amray inay dalkaasi kaga baxaan ugu dambayn maalinta Jimcaha ee soo socota oo ku beegan bisha soo socota ee July 2-da.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday Go’aankaasi sababo la xiriira Muran u dhexeeya labada Waddan, iyadoo ay Dowladda Talyaaniga bilowgii sanadkan hakiyeen hubkii ay ka iibsan jireen dalkaasi.

Ka-bixitaanka Ciiddanka Talyaaniga ee Saldhiga Al Minhad Air Base ee ay ku lahaayeen magaalladda Dubai waxa uu soo shaac baxay Toddobaadkii hore, kadib, markii uu Wargeyska ka faalooda Arrimaha Difaaca ee Defense News ka soo xigtay Warkaasi Xildhibaan ka tirsan Guddiga Difaaca ee Barlamaanka Talyaaniga oo lagu magacaabo Matiyo Preego Di Keremango.

Ciiddanka Talyaaniga waxay Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Al Minhad Air Base u adeegsan jireen inay ku hakadaan Diyaaradahooda ee taageeradda Loojistikada u fidiya Hawlgalladda Caalmiga ee ka socda Geeska Afrika, Badweynta Hindiya iyo dalalka Afgaanistaan iyo Iraq.

Dowladda Talyaaniga waxay ka baaraan degaysaa qaabab kale oo lagu soo daad-gureyn karo ciiddankooda ku sugan dalka Afganistan, haddii ay ciiddanka Maraykanka ka wada baxaan dalkaasi bisha September ee sanadkan.

Khilaafka Talyaaniga iyo Imaaraadka ayaa yimid, kadib, markii ay Barlaaanka dalkaasi uu bishii Janaayo ee sanadkan xayiray Hubkii laga iibin jirey dalalka Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga sababo la xiriiray dagaalka Yemen.