Ciidankii Ahlu Sunna oo isaga guuray degmada Matabaan iyo sababta ka dambeysa.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka aan ka heleeno degmada matabaan ee ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay Ciidamo taabacsan kuwa Ahlu Sunna ay guud ahaan halkaa iskaga baxee, kadib markii ay maalmo kahor ay la wareegeen.

Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in Ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka culus ay iskaga baxeen saldhigyadii ay ka joogeen gudaha degmada Matabaan, iyagoo u jiheestay ciidamada deegaan dhaca xadka kala qaybiya labada gobol ee Hiiraan iyo Galgaduud.

Warar qaar ayaa sheegaya in ciidamadu ay halkaasi ka sameysteen Kastam cusub oo ay gaadiidka uga qaadi doonaan lacago Canshuuro ah.

Lama oga sababta ka dambeysa in Ciidamadaan taabacsan Ahlu Sunna ay dib uga soo baxdo degmadaasi oo dhowaan ay si nabadoon kula wareegtay, islamarkaana ay ka waday dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Wax hadal ah weli kama aysan soo saarin Madaxda Ahlu Sunna talaabadaan ay Ciidamada ugu baxeen degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, sidoo kale maamulka iyo kan degmada Gobolka Hiiraan iyaguna kama aysan hadlin arrintaan.