Ciyaal-weero oo lagu dacweeyey Al-Shabaab, xili M/Gobolka Banaadir ay ku fashilmeen amniga Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa wajahaya dhibaato aysan u dul-qaadan karin oo ka imaaneysa Ciyaal-weero, burcad ah oo dil, dhac iyo kufsi ka wada xaafadaha caasimadda, habeen kasta afurka kadib.

Qaar ka mid ah xaafadaha degmooyinka Dharkenley iyo Wadajir, ayaa si weyn looga qaxay, kadib markii ay ka abuurmeen burcaddan, kuwaas oo u daadanaya guryaha gabal-dhaca kadib.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa], ayaa shaaciyey inay jiraan degmooyinka tirsan caasimadda oo qoysaska ku nool ay u dacwoodeen kooxda Al-Shabaab, si loo sugo amniga xaafadahooda.

Wuxuu xusay in xaafado dhan oo ka tirsan Dherkeeley, ciyaal-weero looga qaxay, iska dhaaf Al-Shabaab iyo ciidan dowladeed oo taleefano furtaye, “Waxaa dadkii laga celi la’yahay ciyaal weero kaliya,” ayuu yiri Odawa, oo si weyn u dhaliilay nidaaamka Farmaajo.

“Waxaa la ii sheegay degmada Dharkenley in Al-Shabaab la xariireen, oo la yiri ciyaalkaan si hanala ka yeelo, hebeen dhexe saddex qof in ay dileen waa maqasheen, gabdha ayay guryaha ku kufsanayaan, xaafadihii ayaa laga qaxayaa cabsi awgeed”, ayuu yiri.

Dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa hore ula dhibaatoonayay kooxo mootooyin dheereeya wata, oo shacabka ka dhaca taleefannada, hayeeshee, kooxahaan abaabulan ayaa uga sii daray xaaladda hubanti la’aanta amni ah oo shacabku wajahay.

Maamulka Gobolka Banaadir, maamullada degmooyinka iyo saldhigyada booliska ayaa ku fashilmay ka shaqeynta badqabka shacabka danta yar ee ay canshuurta xoogga looga soo aruuriyo biishaan, waxayna kaliya ka sheeqaan danaha Farmaajo.