Ciyaartoyda Gobolka Banaadir Oo Guul Ka Gaartay Ciyaartii Galabta.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Cayaarta kama dambeysta ah ee tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa galabta kulanka final-ka ah wada cayaaray xulalka kubadda Cagta Banaadir iyo Galmudug, kaasi oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow.

Ciyaartoyda kooxda Banaadir ayaa tartankii xiisaha badnaa ee galabta ku gulleysatay 10 sano kaddib.

Ayuub ayaa gool ku laadkii saddexaad u xaqiijiyay Banaadir, sidaasna waxay guushu ku raacday kooxda Banaadir.

90-kii daqiiqo ee loogu talagalay ciyaarta iyo saddex daqiiqo oo lagu daray waxay ku idlaateen 2-2 oo labada kooxoodba aysan midna guusha ku raaci karin.

Gal mudug oo markii ugu horreysay hiigsaneysay koobka ayaa nasiib u yeelan weysay inay riyadooda rumeeyaan.