MUQIDSHO-AYAAMAHA-Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay Feyruska Karoona xogtii ugu dambeesay waxey sheegtay in asbuucii u dambeeyay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka 4,792, balse la diiwaan geliyay 23 xaalado cusub oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga diiwaan-geliyay Muqdisho iyo Gobolada dalka.
Waxey Wasaaradda sheegtay in dadka Cudurka uu soo ritay laga ay kala joogaan:-
Puntland 10 Ruux, Gobolka Banaadir 6 qof, jubbaland 4 Ruux iyo Soomaaliland oo laga diiwaan-geliyay min 3 Ruux.
Sidoo kale War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dadka cudurka laga helay ay kala yihiin 13 Rag ah iyo 1o Dumar ah, halka cudurka ay u geeriyoodeen 2 Ruux degaannada Somaliland, iyada oo ay ka bogsadeen 492.
Tirada asbuucii u dambeeyay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 4,792.
o Laga Helay: 23
o Puntland: 10
o Banadir: 6
o Jubbaland: 4
o Somaliland: 3