Cumar Cabdirashiid oo ka soo dagay Muqdisho, soona bandhigay qorshe looga hortagikaro boobka doorashada.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in dalka xaalad qatar ah ku sugan yahay
Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in dalka xaalad qatar ah ku sugan yahay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta kasoo dagay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Garoonka Diyaaradaha Aaden Cadde waxaa kusoo dhaweeyay ,musharixiin kamid ah Golaha Midowga, Xildhibaano,Siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay qeybta VIP-da Garoonka ayaa ka hadlay safarkiisa iyo Muqdisho iyo xaaladda uu xiligan dalka ku sugan yahay.

“Xaaladda Dalku marayo waa xaalad khatar ah,doorasho ayaa lagu heshiiyay mana muuqato doorasho cadaaladd ah hadaan xal loo helinna sida wax ku socdaan dadkoo dhan ayaa ka hor imaan doona, waa in la isku yimaado oo laga wada tashadaa doorasho ku dhisan cadaalad” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke

Lama oga in Ra’isul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid uu kamid noqon doono ama ku biiri doono midowga musharaxiinta iyadoo ay xusid mudantahay in xubnaha soo dhaweeyay maanta ay ku jiaan kuwa katirsan Mucaaradka Musharaxiinta.