Cumar Cabdirashiid oo soo bandhigay tallaabo cajiib ah kadib digniintii NISA.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo marar kala duwan soo noqdey ra’iisal wasaaraha dalka Soomaaliya, ayaa qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay uga hadlay digniin ay soo saartay Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ee NISA , hay’adda ayaa digniintaas ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Si kastaba ha ahaatee, digniintii ugu dambeysay ee twitter-ka ee NISA waxay muujineysaa argagaxa N&N ee ku aaddan qabsoomida doorashada. Haddii aan la soo saarin tillaabooyin ku filan oo lagu xakameynayo madaxda NISA, hay’addu waxay noqon doontaa tiyaatarka lagu qorsheynayo hawlo xunxun oo khatar gelinaya doorashada” Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Hadalka kasoo yeeray ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa ku soo aadaya, xilli haatan ay dhaleeceyn xoogan la kulmeysa NISA oo xalay soo saartay digniin amni oo la yaab leh.