Cumar Filish oo eedeyn kulul u jeediyay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) oo ah Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada ay caqabad ku heeyso Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ee dhawaan lagu wareejiyay Maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in wareejintaas ficil ahaan aysan dhaqan gelin,isla markaana uu rajeeynayo in waxaas oo dhan ay dhamaan doonaan, si Ubadka waxbarashada kujira ay houmar u gaaraan.

Cumar Filish ayaa ka hadlaayey xaflad lagu shaacinaayay natiijada imtixaanka Dugsiga ee Gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay in  arday badan ay dhigato iskuulada Gobolka Banaadir, basle ay jiraan kuwo badan oo aan waxbaran dadkana dhibato ku haya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in hormarka dalka iyo waxbarashada caruurta ay isku xiran yihiin oo hadii caruurta aan wax la barin aan hormar la gaari karin.