Cumar Ibraahim Xaashi oo maanta Xildhibaan loogu doortay Kismaayo

KISMAAYO-AYAAMAHA-Magaalada Kismaayo waxaa ka socda doorashadaix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Jubbaland, waxaana goordhow la doortay Xildhibaankii ugu horreeyay ee Maanta.

Cumar Ibraahim Xaashi ayaa ku guuleystay kursiga HOP 114 ee Golaha Shacabka JFS ee deegaan doorashadiisu tahay Jubbaland, isaga oo la tartamay Cabdi Aadan Cabdulaahi, Cumar Ibraahim Xaashi ayaa helay 80 cod, halka Cabdi Aadan Cabdulaahi oo la tartamayey uu helay 12 cod.

Doorashada kursiga labaad ee Golaha Shacabka ayaa bilaabatay, waxaana la filayaa in Maanta Magaalada Kismaayo ilaa lix kursi oo kamid ah Golaha Shacabka.