Cuntooyinka aad u baahan tahay in aan cunto suxuurta iyo kuwa aadan u baaheyn

MUQDISHO-AYAAMAHA-Suxuurta ayaa ah waxa uu qofka ku bilaabo maalintiisa soonka, suxuurta ayaa lagu ogaanayaa in uu daal, haraad iyo gaajo dareemayo inta uu sooman yahay iyo in kale.

Faadi Cabbaas oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga nafaqada ayaa ku taliyay in dadka ay raacaan talooyinka soo socda, kuwaas oo uu aaminsan yahay in ay fududeynayaan soonka ka hortaggayaan fuuqbaxa jirka iyo in laga helayo faa’iidooyin caafimaad oo badan.

Cabbaas ayaa yiri “Suxuurta waa in qofka uu cabbo biyo badan, cuntada waa in qofka uu bilaabo saxan khudaarta cagaaran ah sida Ansalaato, cuntada waa in aysan ku badneyn milixda iyo saliidda dufanka leh, haddii kale saacado ka dib waxaad u baahan doontaa in biyo badan aad cabtid”

Waxa uu intaa ku daray “Qaadashada cuntooyinka iyo cabitaanka sokorta leh waa muhiim balse waxaa kasii fiican in qofka uu badsado khudaarta biyaha leh, sida qaraha, liinta iyo rumaanka, kadiba qofka uu biyo badan cabbo”.

Laanta adeegga caafimaadka qaran ee Ingiriiska waxay dadka kula talinaysaa inay iska ilaaliyaan shaaha iyo kafeega sababtoo waxaa ku jiraa maaddada caffeine gaar ahaan dad qabo xanuunada ku dhaca kaadi mareenka.

Fuuq baxa jirka wuxuu horseedaa xaalad caafimaad darro ah sida madax xanuun, in dhiigga uu hoos usoo dego, kelyo xanuun iyo cudurro kale.