Daahir Geelle“Madaxweynow dalka waa timid, waad uga dartay ee ha uga sii darin”

MUQDISHO-AYAAMAHA-Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Amb, Daahir Maxamed Geelle ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo sheegay in dowladiisa ay caburisay Shacabka, dalka qalalaaso gelisay, sidoo kale ay weerartay siyaasiyiinta mucaaradka.

“Madaxweyne ma dhihi doontid maalinkaad xilka ka dagi doontid dalka qalalaaso siyaasadeed kama jiraan, mid amni kama jiro, mucaarado siyaasaded oo dalka igula noolaan waayay oo dibadda jiro ma ay jirto”

Ciidanka Dowladda ayuu ku tilmaamay kuwo  uu farmaajo danahiisa siyaasasadeed uu u adeegsanayo, waxaana uu ugu baaqay in ay noqdaan Ciidan Qaran balse  aysan noqon kuwo shakhsi uu danihiisa siyaasadeed ku fushado.