Daalibaan Oo Amar Cusub Kasoo Saartay Muwaadiniinta afgaanistan ee Ka cararaya Kabul

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hogaamiyeyaasha kooxda Taalibaan, ayaa sheegay in dadka reer Afghanistaan ee tagaya garoonka diyaaradaha Kabul ay yihiin kuwa ay u fududeeyeen Mareykanka iyo xulufadiisa.

Waxaa sii adkaaneysa muwaadiniinta reer Afghanistan ee galaya garoonka diyaaradaha Kabul, xitaa haddii ay heystaan oggolaansho ay dalka dibaddiisa uga safri karaan.

Kooxda Taalibaan ayaa Tallaadadii ku dhawaaqday in aysan dooneyn in muwaadiniinta Aghanistaan ay dalka ka baxaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka reer Afgaanistaan oo ay ku jiraan qaar turjumaan u ahaa milatariga Mareykanka oo haystaan fiisooyinka dib loo celinayo.