DAAWO:- Feeryahan caan ah oo nin ku dhex feeray diyaarad.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Feeryahankii hore ee tartanka miisaanka culus Mike Tyson ayaa nin rakaab ahaa ku dhex feeray diyaarad kadib markii uu ninkaas kuu tuuray caagad biyo ah, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Tyson.

Muuqaal laga soo qaaday diyaaradda ayaa muujinaya Tyson oo dhowr jeer feer la dhacaya ninka aan ilaa hadda aan magaciisa la sheegin.

Afhayeenka ayaa inta ku daray in rakaabkii ay diyaaradda isla saarnaayeen uu garddareystay Tyson isla markaana uu dhibaato kala kulmay.

Booliska ayaa soo qabtay labo qof oo lala xiriirinayo arrintani.

Hal qof ayaa lagu daweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee San Francisco kaas oo qabay dhaawacyo fudud.

“Xog badan lagama hayo dhacdada, waxaa uu diiday in wada-shaqeyn dheeraad ah uu la yeesho baaritaanka booliska,” ayay tiri afhayeen u hadashay waaxda booliska Bilayska San Francisco oo ka hadashay dhacdadan.

Labada qofba waa la sii daayay “inta baaritaan dheeri ah lagu samaynayo”. booliska ma aysan sheegin magacyada labada qof ee ku lugta leh arrintaas.

Arrintani ayaa ka dhacday gudaha diyaaradda JetBlue habeenadii Arbacada ka hor inta aysan diyaaradda u dhaqaaqin dhinaca gobolka Florida.

Muuqaalka ay daabacday barta TMZ-ma muujinayo gebi ahaanba dhacdada iyo caagadda biyaha ee la sheegay in lagu tuuray feeryahanka.

Sida laga soo xigtay TMZ, Tyson wuxuu ogolaaday inuu sawir la galo rakaabka, Laakiin ninku wuxuu sii waday inuu dhibaateeyo Tyson, in kasta oo uu Tyson ka codsaday inuu is dejiyo.

Waxaa muuqaalka laga maqalayay codka qofkii uu feerayay oo leh “hey Mike, Mike” kaas oo u muuqday in uu isku dayay in uu dejiyo Tyson halka qof kale uu isku dayay in uu xaaladda qaboojiyo.

Qofka rakaabka ahaa wajiggiisa waxaa ka muuqday dhiig.

Waaxda booliiska San Francisco ayaa sheegtay in ay ka war hayeen muuqaalka laga yaabo in uu soo shaac bixiyay dhacdada. Muuqaalka ayaa loo diray maamulka degmada San Mateo kaasoo awood u leh baaritaanada la xiriira dhacdadan.

Tyson kuma cusba ku lug lahaanshaha rabshadaha, Sannadkii 1992-kii, waxaa lagu helay dambi kufsi ah, waxaana la xiray saddex sano.

Mar waxaa jirtay laga hor istaagay in uu ka qeybgalo tartanka feerka maadama qof kasoo horjeeday in dhagta ka qaniinay.

Source: BBC