Dab shalay ka kacay buuraleyda gobolka Sanaag oo wali socda

GAROOWE-AYAAMAHA-Dab xooggan oo shalay ka kacay deegaanka Gaacidh oo ka mid ah buuraleyda gobolka Sanaag ayaa ilaa maanta socda, waxaana gebi ahaan gubanaya keymaha iyo dhirtii ku taallay deegaanka.

Deegaankan oo ku yaalla waqoyga gobolka Sanaag waxaa ka socda gurmad aan xoog badneyd oo lagula tacaalayo deminta dabka.

Lama ogga waxa sababay dabka, mana jirto khasaare nafeed oo ilaa iyo hadda la soo wariyay, balse sawirro laga soo qaaday deegaanka waxaa ka muuqday keymo gubanaya iyo saameynta dabka oo sii ballaaraneysa.

Masuuliyiin ka socday wasaarradaha dhirta iyo daaqa iyo dalxiiska Somaliland oo tagay goobta ayaa la kulmay dadka deegaanka, walow aysan jirin talaab ilaa iminka ay qaaday dowladda..