Dabagaal dalka UK ku dhaawacay dad gaaraya 18 qof.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dabagaale uu midabkiisu yahay calow oo weerarro uu geystay ku dhaawacay 10 ruux ayaa la qabtay kaddibna ay la wareegtay dowladda si loo dilo.

Xayawaankan ayaa naaneysta “kii diillimaha lahaa” ku helay kaddib markii uu kaalin qalalaase ah ka jilay filimka Gremlins.

Weerarrada uu ku qaadayay dadka ayuu isbuucii lasoo dhaafay ka billaabay magaalada Buckley oo ka tirsan Flintshire, waxaana uu waday muddo labo maalmood ah.

Arrintan ayaa walaac xoog leh ku keentay haweeney lagu magacaabo Corinne Reynolds, oo 65 jir ah, taasoo dabagaalahan quudinaysay tan iyo bishii March, waxaana ay sheegtay inuu ahaa “saaxiib si joogto ah ugusoo booqan jiray” gurigeeda.

Dabagaalaha ayaa markii ugu horreysay gurigeeda u tagay inuu xado raashinka shimbiraa, waxayna Mrs Reynolds tiri: “Bilahaan oo dhan wuu fiicnaa, waxa uu xitaa lawska ka qaadanayay gacanteyda.”

Balse waxay sheegtay in uu qaniinay isbuucii lasoo dhaafay xilli ay ku quudineysay beerteeda, kaddibna waxa ay aragtay warar lagu shaaciyay Facebook oo sheegaya in dad kale uu ku qaniinay magaalada.

Waxa ay intaas ku dartay: “Kaddib markii aan arkay sawirrada dadka dhaawaca ah, waan yaabay, waxaana is weydiiyay waxa ku dhacay.”

Mrs Reynolds waxa ay sheegtay inay ka war qabtay in loo baahnaa sidii tallaabo looga qaadi lahaa waxayna ku fikirtay in “maadaama uu iyada garanayay ay u sahlaneyd inay qabato”.

“Dabin ayaan u dhigay meel u dhow goobtii aan ku quudin jiray, 20 daqiiqo kaddibna wuu ku dhacay,” ayay tiri.

“Waxaan dareemay in uu igu kalsoonaa balse aan khiyaanay.”

Mrs Reynolds waxay inta badan guriga keensataa shimbiraha dhaawaca ah sida shimbir badeedka ama tukaha, iyadoo xannaaneysa ilaa inta ay kasoo kabanayaan. Waxay isku tilmaantay inay tahay qof xayawaanka jecel.

Waxa ay tiri: “Gurigeyga barxaddiisa waa sida goob lagu dhaqo shimbiraha. Balse waxaan ogahay inaan sameeyay wax fiican. Waxaan heystaa wiil aan ayeeyo u ahay oo labo sano jir ah, haddii laga qaniini lahaa farta, waxaa laga yaabaa in laga goyn lahaa fartaas.”

Haweeney ku nool iska aaggaas ayaa soo tebisay in uu xayawaankaas weeraray xilli ay qaadeysay kartoomo, waxayna baraha bulshada soo dhigtay sheeko ku saabsan qaabkii ay wax u gaareen iyo in ay qaadatay cirbad looga daweynayay sunta qaniinyaha dabagaalaha.

Waaxda xannaanada xayawaanka ee magaceeda loo soo gaabiyo RSPCA ayaa la wareegtay dabagaalaha dadka waxyeelleeyay kaddib markii ay qabatay Mrs Reynolds. Kaddib markii tijaabo caafimaad lagu sameeyay waxaa si ku talagal ah u dilay dhakhaatiirta.

Afhayeen u hadlay waaxda ayaa yiri: “Aad iyo aad baan uga murugeysneyn inaan dabagaalahan dilno balsae waddo kale nooma furneyn maadaama isbaddal sharciga lagu sameeyay 2019-kii, kaasoo sharci darro ka dhigaya in duurka lagu sii daayo dabagaaleyaasha midabkoodu calowga yahay.

“Ma taageersanin sharcigan, waana kasoo horjeedsannay, balse sida sharciga ah waa inaan u hoggaansanno. Waxaa jira qaabab badan oo lagula tacaali karo dabagaaleyaasha calowga ah, dadkana waxaan ku boorrineynaa in aysan dabin u dhigin maadaama ay hadda sharci darro tahay in lagu sii daayo duurka, waddada keliya ee furanna ay tahay in la dilo.”

“Waxaan magac ahaan ugu yeeri jiray saaxiibkeyga yar mar walba oo aan arko isagoo jooga barxaddeyda,” ayay tiri Mrs Reynolds.

“Balse ugu dambeyn arrintan ayaa dhacday, waana markii aan magaciisa u baddalay kii diillimaha lahaa.

“Waxaan ka murugeysanahay in dabagaalahaas uu waayay naftiisa, balse ma jirin wax kale oo aan sameyn karay. dhibaatada uu geystay ma ahyayn mid la aamini karo.”

BBC