Dacwad dambi iyo khiyaamo qaran oo lagu soo oogi doono siyaasiyiinta Somalinad

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta saxiixay xeer dhammaan dadka kasoo jeeda gobollada waqooyi looga mamnuucay ka qeyb-galka arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, kaas oo ka kooban illaa afar qodob.

Xeerkan ayaa lagu sheegay in dambi iyo khiyaamo qaran ay tahay in qof Somaliland ah uu ka qeyb-qaato siyaasadda Soomaaliya, waxaana go’aamiyey labada Gole ee Somaliland.

Hoos Ka Akhriso Qodobada kasoo baxay Xafiiska Muuse biixi 

1) Qof kasta oo u dhashay Somaliland, ha noqdo Masuul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go’aanka Labada Gole.

2) Xukuumadda oo kaliya ayaa ka qayb gali karta shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Qarannimada iyo Dastuurka Somaliland, si waafaqsan Go’aanka labada Gole ee ku taariikhaysan 05/02/2012.

3) Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu xukun Maxkamadeed ku dhicin.

4) Dhammaan hay’adaha nabad-gelyada ee ku shaqada leh waxa waajib ku ah in ay fuliyaan Go’aanka labada Gole, isla markaana horgeeyaan Maxkamadda awoodda u leh qof kasta oo gala dambigaasi, si loo adkeeyo Jiritaanka Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland.