Waalidiinta dhallinyaradii loo diray Eretrea oo dacwad ka gudbiyay Farmaajo

Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa loo gudbiyay laba qoraal oo ku saabsanaa qaddiyadda uu maamulka Farmaajo si qarsoodi ah ugu diray dalka Eretrea dhallinyaro Soomaaliyeed si halkaasi ay ugu soo qaataan tababarro.

Warqadda koowaad waxaa diray guddi ka kooban 10 xubnood oo la sheegay inay iska soo xuleen waaliddiinta ka qiireysan dhiillada kasoo yeereysa wararka ku xeeran tababarka iyo colaadda ka taagan gobolka Tigree ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Qoraalka labaad ayaa waxaa gudbiyay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka sare ee Soomaaliya, Senotar; Abshir Axmed Bukhaari, kaas oo lagu sheegay in ay waaliddiinta usoo gudbiyeen warqad dacwad ah, taas oo uu isagu dacwad oogaha guud ee dalka.

Waaliddiinta ayaa codsaday afar qodob oo kala ah; in la caddeeyo masiirka wiilashooda, in warbixin dhammaystiran laga soo gudbiyo nolol ama geeri,in ay si deg-deg ah xorriyaddooda ku helaan iyo in dacwad lagu soo oogo cid kasta oo ka dambeysay falkan.

Dhallinyaradan ayaa la sheegay in ay da’dooda u dhaxaysay 18 illaa 25 jir, kuwaas oo u badnaa Arday wax ka baranaysay jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee dalka Soomaaliya.

Halkan ka aqriso dacwadda waaliddiinta:-