Dad ku dhintay dagaal sababay gabar la kufsaday.

A Somali soldier patrols a street following a suicide car bomb and gun attack on Tuesday that killed 11 people in Afgoye, Somalia, October 19, 2016. REUTERS/Feisal Omar

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaal ka dhashay Gabar la kufsaday ayaa ka dhacay gobolka Mudug waxaa dagaalka  sida wararka ay sheegayaan waxa uu ka dhashay gabar xalay lagu kufsaday deegaanka, taas oo ka soo jeedda labada Beel ee dirirtu ay dhex martay mid ka mid ah.

Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay Seddax qof ayaa ku dhimatay dagaalka oo saacado badan ka socday deegaanka Dhagtuur ee gobalka Mudug.

Waxaa sidoo kale barakacay qaar kamid ah dadka deegaanka iyadoo sidoo kale isbitaal loo qaaday gabadha la kufsaday oo aan la ogeyn sababta ka dambeysa.

Waxaa sidoo kale wararka ay sheegayaan in wali ay jirto xaalad dagaal iyadoo waan waan socotay ilaa maanta aan laga soo warin wax horumar ah.

Inta badan Gobalada Soomaaliya waxaa ka dhaca kufsiyada loo geysto gabdhaha da’da yar iyagoo aan helin wax cadaalad ah.