Dad ku dhintay god ku dumay duleedka Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay kadib markii uu ku dumay god ay dhagax ka qodanayeen oo loo yaqaano kaawo oo ku taal duleedka Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) ayaa sheegay in shilkan uu saaka ka dhacay deegaanka Ceel-huur ee duleedka Degmada Wadajir.

Qof goob-joog ahaa ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in haweeney ay kamid ahayd dadka goobtaas ku dhintay. Dhowr jeer oo hore ayay dad xoogsato ah sidan oo kale ugu dhinteen kaawo ku soo duntay.

Boqolaal qof ayaa subax kasta u shaqo taga kaawooyinka si ay noolal maalmeedkooda uga helaan.