Dad shacab ah oo lagu laayey duqeyn cirka ah oo ka dhacda Shabeellaha Hoose

MUQDISHO-AYAAMAHA-Deegaanka Mubaarak ee hoostega degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa shalay oo jicmo aheyd waxaa ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo geystay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay duqeynta lala eegtay dadkii shacabka ahaa, waxaana ku dhacay dadkaas Gantaal ay kusoo riday diyaaradda, Inta la xaqiijiyey shan qof ayaa goobta ku dhintay, halka 10 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa loo soo qaaday Isbitaalo ku yaalla Magaalada Casimadda ah ee Muqdisho, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo, weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed oo ay uga hadlayaan dhacdadaan.

Duqeyntaan khasaaraha dhalisay ayaa la rumeysan inay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn oo ay leeyihiin Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Affrika ee loo yaqaano AFRICOM, kuwaasi oo inta badan duqeymo ka fuliya deegaanada ay Gobolada dalka kaga sugan yihiin Al-shabaab.