Dad shacab ah oo lagu laayey qarax Miino oo lala eegtay Bajaaj ay saarnaayeen.

KISMAAYO-AYAAMAHA-Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay tuulada Buulo Xaaji oo 90-km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose, waxaana qaraxaasi ku geeriyooday dad Shacab ah.

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in qaraxa miinada ee dhulka la geliyay ay qabsatay Mooto ay saarnaayeen dad shacab ah oo xoolo dhaqato ahaa, isla markaana Mootada biyo ugu dhaansanayeen xoolo ay leeyihiin.

Ugu yaraan afar Wiil oo dhalinyaro ah ayaa ku geeriyooday qaraxaas ka dhacay deegaanka Buula Xaaji ee galbeedka Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo la sheegay in xiligii qaraxu haleeyay ay wateen biyo ay kasoo qaateen Ceel-biyood.

Qaraxa khasaaraha geystay ee ka dhacay Buula Xaaji ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo saakay deegaankaas ay la wareegeen Ciidanka Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa DANAB.