Dadaallo lagu xalinaayo khilaafka guddiga doorashada Somaliland oo socda.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waddo dadaalo lagu xalinayo khilaafka ka taagan Hoggaanka Guddiga doorashada Somaliland oo ay isku hayaan labada garab ee ay kala hoggaaminayaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi.

Warar kala duwan oo kasoo baxaya Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in arinta loo rogi doono mid si hoose loo xaliyo, islamarkaana labada dhinac ay kala qaataan labada Masuul ee ugu sareysa guddiga.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa bilaabay dadaalladaan oo loogu gol leeyahay in xal buuxa looga gaaro khilaafka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dadaalada la wado uu kamid yahay in labada Garab ay kala qaataan Guddoomiye iyo ku-xigeen, inkastoo aan weli aqbalaad rasmi ah laga helin labada dhinac ee Guddiga.

Xubanaha Guddiga ee Garabka Cabdi Xaashi ayaa dalbaday inay uga qeyb geli karaan oo kaliya doorashada in 8 xubnood ay doorashada ka qeyb galaan iyo in wada hadal iyo heshiis dibadda ah oo lagu dhammeeyo muranka jira.