Dadaalo lagu xalinayo Ahlu-Sunna iyo Galmudug oo socda.

10

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warrarka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo nabadeed oo lagu doonayo in si nabada gacanta dawladda loogu soo celiyo maamulka magaalada Guriceel uu halkaasi ka socdo.

Dhawr xidhibaan oo ka tirsan maamulka Galmudug iyo xubno ka tirsan maamulkii magaalada Guriceel ee Galmudug ayaa u dhaqaaqay dhinaca magaalada si ay ula kulmaan saraakiisha Ahlu-Sunna ee Jimcihii qabsatay, uguna qanciyaan inay si nabada maamulka magaalada ugu soo wareejiyaan maamulka Galmudug, sida aan ka soo xiganay illo wareedyo ku sugan gobolka.

Xildhibaannada waanwaanta wada oo gaaraya illaa shan ayaa markoodii hore ka soo galay maamulka Galmudug dhinaca wadaaddada Ahlu-Sunna, waxayna ka codsadeen maamulka Galmudug in iyaga laga war sugo oo waqti la siiyo si xal nabadeed loogu helo xiisadda ka taagan Guriceel.

Dhinaca kale Dhuusamareeb waxa ka socda diyaar garoow ciidan oo ay wadaan ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Dawladda Federaalka kaas oo ay doonayaan inay dib ugu qabsadaan magaalada Guriceel oo Jimcihii la soo dhaafay gacantooda ka baxday.