Dadka reer Muqdisho oo cadaawad u qaaday Wasiir Dubbe iyo Sababta.

Cusmaan Abokor Dubbe

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa wajahaya naceyb ay hadalladiisa u qaadeen dadka reer Muqdisho, kadib markii dhawr mar uu la soo hor istaagay hadallo aysan mahadin, waxaana ugu dambeysay maalin ka hor markii uu qabtay shir jaraa’id oo qeyb ka mid ah uu uga hadlay dhalinyarada warkooda la waayey ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Wasiir Dubbe ayaa markii uu ka hadlayey arrinta dhalinayadaas waxa uu sheegay inay buun-buuninayaan siyaasiyiin dano gaar ah ka leh, balse ma uusan shaacin xog dhab ah oo ay ku qancaan waalidiintii maalinkaas banaanbaxa ka dhigayey afaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya.

Mid ka mid ah waalidiinta maalmihii lasoo dhaafay ku hor banaanbaxaayey madaxtooyada dalka ayaa si gaar ah fariin ugu diray wasiir Dubbe, isagoo ka dalbaday hadii arrintaan uu wax ka galo in xeryaha lagu tababaro dhalinyarada la weysan yahay uu geeyo seddax qof kaliya oo metesha dhamaan waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtoodu ka maqan yihiin.

“Wasiirka warfaafinta maalin dhaweeto waa uu hadlay, maalin ka horeysana waa uu hadlay, waxuuna sheegay laba kelmadood oo is weydaarsan, waa nin kursi ilaashanaya oo inuu been sheego u diyaar garoobay, wasiir Dubbow dad nool hadaa heysid seddax qof oo na metesha qaad, meesha hala tago, hadii dad fiican oo tababaranaya halkaas loogu tago, anagaa been sheegeyna, laakiin hadda waxaa noo muuqata inaad adigu been sheegeyso,” ayuu yiri Aabahaas oo ka mid ahaa waalidiin maanta banaanbaxayey.

Isagoo sii hadlayey isla markaana ay caro xoog leh ka muuqatay wajigiisa ayaa waxa uu yiri, “Wasiir Dubbow raggii anaga daabaqa nagu dhuftay ayaad noo duleyneysaa, Uur dalab leh Ilaaheybaa u jeeda, Adin dalab lehna Aadanahaa arka, hadda aadanuhu waa ku arkaan, laakiin waxaan ku dhihi lahaa, weligaa dhibaato ka jirta Muqdisho kama aadan hadlin, maalin kastana dhib ka jira meelo kale ayaad ka hadashaa, marka colka kaala dhaxeeya reer Muqdisho garan meyno.”

Dhanka kale wasiirkii hore ee amniga Qaranka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo isna aad u dhaliilay hadalkii wasiir Duube ayaa yiri, “Wasiir Dubbe waxan ku leeyahay dumarka iyo waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtoodii waayey gef weyn ayaad u geysatay, waxaad kiiskooda ku tilmantay arrimo siyaasadeysan, dhowr mar oo horana hadallo xanaf ayaad dadka reer Muqdisho la hor timid.”

Xildhibaan oo sii hadlayey ayaa yiri, “Arrinta dhalinyaradaas wax uu ka ogaa malan wasiir Dubbe, marka waxaan ku leeyahay ha noqon qof lagu adeegto oo yaan laguu adeegsan dhabaateynta umadda Soomaaliyeed.”

Wasiir Dubbe ayaa sidaan oo kale loo dhibsaday shir jaraa’id oo bilowgii bishii Abriil uu ka sheegay in lagu kala tegay shir madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uga socday teendhada Afisyooni, isla markaana ay shirka fashiliyeen Axmed Madoobe iyo Deni, balse waxaa la xaqiiqsaday in taasi ay been aheyd oo Farmaajo uu damacsanaa mudo kororsi.