Dadkii dhibateeyay Ubax Ibraahim oo gacanta lagu dhigay.

KISMAAYO-AYAAMAHA-Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen dhamaan eedeysanayaasha la rumeysanyahay in ay dhibaateeyeen ubax ibraahim Cabdullaahi.

Ubax Ibraahim Cabdullaahi oo 15 sano jir ah waxay la dhultaallaa dhibaatooyin loogu geystay Gobolka Gedo, kuwaas oo isugu jira jirdil, gubis iyo in labada gacmood looga xiray sil sillad sida ay Warbaahinta u sheegeen dhaqaatiirta gacanta ku haysa kiiskeeda ee Isbitaalka Madiina ka howlgala.

Warka kasoo baxay booliska Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Eedeysaneyaasha  dhawaan ay la wadaagi doonaan dadka Soomaliyeed faahfaahin la xariirta sida wax u dhaceen.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa shalay sheegay in Cadaaladda la horkeeni doono dadkii ka dembeeyey dhibaateynta Ubax Ibraahim Cabdullaahi.