MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa Maanta Khabuuraha Halleeya ee magaalada Hargeysa lagu Aasay Saddex kamid ah dadkii ku dhintay bannaanbaxyadii rabashadaha watay ee looga soo horjeeday xukuumadda Somalailand, kuwaas oo todobaadkii hore Xisbiyada mucaaradka kas ameeyeen Magalada hargeysa e degaannada Somaliland.
Xisbiga WADDANI oo kamid a xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa Aaska u sameeyay Saddexda dhalinyarada ahaa ee banaanbaxa ugu dhintay rasaas ay ku fureen ciidamada Somaliland , kadib markii Xukuumadda Somaliland ay ogolaatay inay bixnineyso magta dadkaas.
Shacab caraysan ayaa saaka weerar ku qaaday Wasiir ka tirsan Xukuumadda Somaliland, kaasi oo tagay goob lagu aaasayay dadkii shacabka ahaa ee dhawaan ku geeriyooday bannaanbaxyadii ak dhacay Magaalooyinka waa weyn ee Somaliland, kuwaasi oo looga soo hor jeeday Muuse Biixi.
Shacabka ayaa saaka u kallahay aasidda meydayka dadkii ku dhintay Raastii ay Ciidanku ku fureen dadkii bannaanbaxayay, waxaana dadkaasi lagu aasayay Qabuuraha dhanka bari ee Magaalada Hargeysa ee Halleeya lagu magacaabo.
Daqiiqado kadib waxaa isla goobta gaaray Wasiir ka tirsan Xukuumadda Somalian doo lagu Magacaabo Siciid Sulub, waxaana halmar ku yaacay dadkii caraysnaa, kuwaasi oo dhag-xaan iyo waxyaabo kale oo fudud ku weeraray.
Ilaalada Wasiirka ayaa rasaas furay, inkastoo aan lasooo sheegin cid wax ku noqotay rasaasta ay rideen Ilaalada Wasiir Siciid Sulub.
Ugu dambeyntii waxaa lagu guulaystay in Wasiirka goobta laga kexeeyo, oo laga badbadiyo shacabkaasi aadka u caraysnaa.
Magaalooyinka waa weyn ee Somaliland waxaa ka dhacay bannaanbaxyo waa weyn oo ay horboodayeen mas’uuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADANI oo ah labada Xisbi ee ugu awoodda badan Mucaaradka..