Dadkii laga soo musaafuriyay laas-Caanood oo soo gaaray Beledweyne

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali jeyte Cismaan iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobalka Hiiraan iyo kan Degmada Baladweyne ayaa soo dhaweyn iyo dib-udajin u sameeyey Dadkii Soomaaliyeed Ee laga soo musaafuriyay magaalada Laas-canood.

Maamulka gobalka Hiiraan ayaa ku wareejiyey Raashin iyo xoolo si ay ugu maareeyaan Noloshooda malin laha Ah.

Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa nasiib daro ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed laga masuufuriyo dhul soomaliyeed taas oo ka baxsan dhaqanka Soomaaliyeed iyo Diinteena.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay in shacabka Reer Beledweyne in ay Gurmad u sameeyan Dadkaas Danyarta ah ee lasoo musaafuriyay,isaga oo hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan waxii ay awoodan la garab istaageen welina ay u heelan yihiin.

Degaannada Puntland, Galmudug iyo Hir-Shabeelle ayaa waxaa kusoo qul qulaya dadkii Somaliland kasoo musaafurisay Hargeysa, kuwaas oo ku wajahan degaannada Koonfur Galbeed.