Dagaal culus oo ka soconaya Magaalada Severodonetsk.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada bariga ku taal ee Severodonetsk ayaa weli waxa ay udub dhexaad u tahay dagaalka Ukraine ka socdo, xilli ciidammada Ukraine ay si adag isaga difaacayaan taangiyada Ruushka, ciidammada dhulka iyo madaafiicda joogtada ah ee ay la dhacayaan.

Haddii magaalada ay qabsadaan ciidammada Ruushka ayaa taasi waxa ay gobolka Luhansk gacanta u galinaysaa iyaga iyo xulafadooda maxalliga ah ee goonni ugoosadka, kuwaas oo sidoo kale maamula inta badan gobolka dariska ah ee Donetsk.

Barasaabka gobolkaasi ee Ukraine, Serhiy Haidai ayaa sheegay in ciidammadiisa ay dib u qabsadeen ku dhawaad shan meelood oo meel magaalada Severodonetsk ayna sii haysan doonaan.

“Markaannu helno hub riddo dheer oo reer Galbeedka inaga soo gaara, waxaannu aaggayaga ka riixi doonnaa madaafiicdooda. Markaas kaddibna, I aamin, ciidammada dhulka ee Ruushka waa ay iska carari doonaan,” ayuu yiri.

Mareykanka ayaa waxa uu qorshaynayaa in ciidammada Kyiv ku hubeeyo hannaanka gantaallada, si ay meel fog uga garaaci karaan aagagga Ruushka. UK aya sidoo kale waxa ay u diri doontaa tiro batariyo waa wayn oo gantaallada ah.

Waxaa magaalada Severodonetsk webiga Siverskyi Donets dhinaciisa kale ka haysa magaalada Lysychansk. Labada magaaladaba waxa ay istaraatiiji ahaan muhiim u yihiin Ruushka: Severodonetsk ayaa waxaa ku yaal warshadda wayn ee kiimikada farsameysa ee Azot, kaas oo soo saarta bacrimiyayaasha nitrogen, halka Lysychansk ay ku taal goobta labaad ee ugu wayn Ukraine ee lagu sifeeyo shidaalka.

Dagaalka ayaa haatan burburiyay inta badan magaalada Severodonetsk, hasayeesehee kumannaan qof oo rayid ah ayaa weli waxa ay gabbaad ugu jiraan dhul dhaca hoose ee guryaha.

Barasaab Haidi ayaa sheegay in ciidammada Ruushka ay burburinayaan buundooyinka ku yaal webiga si ay uga hortaagan in Ukraine ay ciidamo milateri ah oo gurmad ah ay halkaasi geeyaan iyo in gargaar ay dadka rayidka ah gaarsiiyaan.