Dagaal dhexmaray ciidamada Militariga Sudan iyo kuwa Ethiopia

MUQDISHO-AYAAMAHA-Militariga Sudan ayaa maanta sheegay inay iska caabiyeen isku day ay ciidamada Ethiopia kusoo galeen xuduudda kala qeybisa labada dal.

Ciidamada Ethiopia waxaa lagu qasbay inay dib uga gurtaan aagga Umm Barakit, waxaa sidaas lagu yiri wa-saxaafadeed militariga kasoo baxay, oo aan bixin faah-faahin intaas dheer.

Madaxa militariga Sudan, Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan, ayaa weriyayaasha u sheegay in arrintan ay dhacday Sabtidii.

Waxa uu sheegay inay muujisay sida militariga ay u ilaalinayaan dalka, xilli uu isku day afgambi ka dhacay Khartoum, toddobaadkii tegay.

Afhayeenka militariga Ethiopia, Colonel Getnet Adane ayaan ka jawaabin codsi ku saabsanaa inuu ka hadlo dhacdadan.

Xiisadda ka taagan xuduudda Sudan iyo Ethiopia ayaa xoogeysatay tan iyo markii uu sanadkii tegay uu dagaalka ka qarxay gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia, dagaalkaas oo sababay in kumanaan qof oo Ethiopian qaxooti ah ay galaan bariga Sudan.

Xiisadda ayaa ka taagan dhul ku wanaagsan beerashada oo loo yaqaan al-Fashqa, halkaas oo ah goobta lagu muransan yahay.