Dagaal ka socda degmada Diinsoor ee Gobolka Baay

AL-SHABAAB IYO Baraawe
AL-SHABAAB IYO Baraawe

BAYDHABO-AYAAMAHA-Dagaalka oo aad u xoogan una dhaxeeya Ciidamada Itoobiya ee katirsan AMISOM iyo Xubno kafirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka socdaa degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii sida la sheegay in Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamada Itoobiya kuleeyihiin afaafka hore ee degmada Diinsoor, waxaana halkaasi ka socda dagaal leysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalka balse aan weli la cadey karin maadaama uu dagaak socdo

Al-shabaab ayaa intabadan wax ay weerar ku qaadaan degmada Diinsoor ee gobolka Bay, waana gedmo ay Al-shabaab go’doomiyeen oo aan geli karin gaari ka baxay Muqdisho, dadka kunool degmadaas ayaa waxay ku noolyihiin nolol dag.