Dagaal Khasaaro Geystay Oo Dhexmaray Ciidanka Dowladda Iyo Al-Shabaab

BAYDHABO-AYAAMAHA-Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa qeybta 60-aad iyo Al-shabaab ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, waxaana laga helayaa faah faahino.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka bilowday, ka gadaal markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin gudaha Diinsoor, sidaasina uu ku dhacay dagaal xoogan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu warramayaa inuu ka dhashay dagaalkii dhacay oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana weerarkii shabaabka ka hadlay Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka qeybta 60-aad ee xoogga dalka.

Saraakiisha ayaa waxaa ay sheegeen inay iska caabiyeen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-shabaab oo ay ku qaadeen Ciidamo fariisimo ku lahaa gudaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa tilmaamay in dagaalka Shabaab looga dilay in ka badan 15 xubnood, sidoo kalane looga qabsaday Ak47 iyo Agab kale ooCiidan, waa sida hadalka looga dhigay.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro xoogan ku qaaday Saldhigyo Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaano ka tirsan Maamulkaas, waxaana weerarada qaarkood ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.