Dagaal Maalintii labaad ka socda Boosaaso iyo Wararkii u dambeeyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Boosaaso ee xaruunta ganacsiga Puntland waxay saaka ku waabariistay dhawaqa hubka culus oo ay isu adeegsanayaan ciidamadii shalay dagaalka isaga hor yimid, waxaana dagaalkan oo intiisa badan ka dhacay xarunta Ciidamada PSF.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku naf-waayeen 10 qof oo isugu jira askartii dagaalantay iyo dad shacab ah, iyadoo 40 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay muujiyeen xogaha laga helay goobaha caafimaadka.

Dagaalka ayaa sabab u ah xil ka qaadistii Madaxweynaha puntland saciid Cabdulaahi Deni uu ku sameeyey agaasimihii hore ee Hay’adda PSF ee Gen. Maxamuud Diyaano oo diiday xilka qaadista lagu sameeyey.

Dad badan ayaa ilaa xalay ka barakacayay xaafadaha magaalada Boosaaso, kuwaas oo cabsi ka qabay in dagaalku uu sii socdo, saameena ku yeesho nabadgelyadooda.

Waxaa guud ahaan xirmay goobihii ganacsiga, dekedda iyo duulimaadyadii garoonka diyaaradaha iyo isu socodkii gaadiidka dadweynaha ee magaalada Boosaaso.

Waxaa jira baaqyo ay dirayaan

Culimada, Nabadoonada iyo waxgarad kale oo reer Puntland ah ayaa ku baaqaya in dagaalka la joojiyo balse ma jirto ilaa hadda wax horumar ah oo laga gaaray in la joojiyo dagaalkaas.