Dagaal Maalintii Saddexaad ka socda Laas-Caanood iyo wararkii ugu dambeeyey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa Maalintii Saddexaad oo xiriir ah uu dagaal ka socdaa Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Faahfaahin rasmi ah lagama hayo xaaladda dhabta ah ee halkaas ka jirta, hase yeeshee waxaa duleedka magaalada laga maqlayaa dhawaaqa rasaasta.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidamada Somaliland oo doonaya inay galaan gudaha Magaalada Laas-Caanood iyo dadka degaanka oo hubeysan oo u diidaya, waxaana siweyn Maanta magaalada Laas-Caanood looga maqlayaa dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku waramayaan in goobo horleh lagala wareegay Ciidamada Somaliland ,isla markaana dagaalka xoogiisa uu ka socdo duleedka Magaalada Laas-Caanood.

Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in labada dhinac ay helayaan gurmadyo kala duwan oo u imaanaya, iyada oo dadka qaarkood ay oa barakaceen Magaalada Laas-Caanood.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in baaritaanno lagu sameeyo dhacdooyinka laga soo tebiyay Laas Caanood oo ay dad badan ku dhinteen.