Dagaal mar kale laga cabsi qabo inuu ka dhex qarxo Abiy Axmed iyo Tigreega.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda dhexe ee dalka Itoobiya ayaa fallaagada TPLF inay weerar ku soo qaaday xadka ay wadaagaan deegaannada Amxaarada iyo Tgraay.

Saacada ka horna Fallaagada TPLF waxay dowladda Itoobiya ku eedeysay in ciidammadeeda iyo kuwa Amxaarada oo is garabsanaya ay weerar ku soo qaadeen Koonfurta Deegaanka Tigraay.

Dagaalka saaka shanti subaxnimo labada dhinac ku dhexmaray xadka ay wadaagaan deegaanka Tigraay iyo Amxaarada ayaa ah kii ugu horereyey oo bilooyin halkaasi ka dhaca.

Bayaan maanta oo Arbaca ah ka soo baxay ‘Taliska ciidamada Fallaagada TPLF’ oo lagu baahiyey warbaahinta afka fallaagada ku hadasha waxaa lagu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka Amxaarada oo isgarabsanaya ay dagaalkaasi soo qaadeen.

Deegaannada dagaalka lagu soo qaaday 5-ti subaxnimo ee saaka waxay TPLF ku sheegtay  iney yihiin bariga deegaankaasi gaar ahaanna aagga Bisobar, Zobil iyo Takulesh.

Afhayeenka fallaagada TPLF Getachew Reda maalintii Isniinta wuxuu bartiisa Twitter-ka uu ku soo qoray dowladda dhexe ee Itoobiya iney ciidamo tira badan ay soo dhoobtay xadga Tigraay.

“Xilli kasta wuu burburi karaa heshiiska xabbad joojinta oo gargaarka bani’aadannimada looga gol lahaa, haddii TPLF dagaal lagu soo qaadana waxay ciidamadeedu diyaar u yihiin iney weerar kasta iska caabbiyaan,” ayuu yiri Getachew Reda, Afhayeenka fallaagada TPLF.