Dagaal saacado badan qaatay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

BELEDWENE-AYAAMAHA-Dagaal culus ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu ku dhexmaray degaanka Ceeleey oo Hoostaga Degmada Maxaaas ee Gobolka Hiiraan Ciidamo katirsan maleeshiyaadka macawiisleyda iyo Xubno kamid ah Ururka Al-Shabab.

Guddoomiyaha degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, Muumin Maxamed Xalane ayaa sheegay in ay soo furteen dad iyo xoolo ay Al-shabaab ka afduubteen deegaanno hoos yimaada degmadaasi.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerareen degaanka Ceeleey oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka degaanka ee Macawiisleyda, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado badan qaatay oo soo bilaawday shalay Gelinkii dambe, Isla markaana soo gaaray xalay.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xusay in khasaare ay gaarsiiyeen Al-shabaab, isla markaasna ay ka qabsadeen deegaano hoos yimaada degmada Maxaas.

Al-shabaab ayaa dhacdooyin isugu jira dilal iyo gubida Ceelal iyo Xarruumo Isgaarsiineed ka waday deegaannada hoos yimaada Gobolka Hiiraan , taasi oo sababtay in dadka shacabka ah, si iskood ah isu abaabulaan.