Dagaal sababay barakac oo ka dhacay qeybo ka mid ah Sh/Dhexe

JOWHAR-AYAAMAHA-Toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa dagaal ka dhacay tuulooyin hoos yimaada degaanka Raage Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sababay barakaca qoysas badan, kuwaasi oo hadda ku jira xaalad nololeed oo adag, sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta degaankaas.

Guddoomiyaha degmada Raage Ceele Cumar Cali Nuur ayaa sheegayin qoysaskan ay culeys ku yihiin degaanka, islamarkaana aanay u heli karin caawimaadda ay u baahan yihiin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dagaalada ka dhacay degaano hoostaga degmada Raaga-ceele ay ka dambeeyeen kadib markii Al-Shabaab ay Gurigiisa kala baxeen Nabadoonka degmafa.

Dagaaladii ugu dambeeyay ayuu sheegay Guddoomiyaha degmada Raage Ceele Cumar Cali Nuur inay ka dhasheen qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah.