Dagaal Sokeeye oo hada Muqdisho Ka Socda iyo Wararkii ugu dambeeye

MUQDISHU-AYAAMAHA-Dagaal la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay duleedka degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir kaas oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ma jirto ila iyo hada cid isku howshay joojinta dagaalkaas.

Dagaalkaan oo ka dhacay Xaafadda Sheekh Aadan Dheere ee duleedka degmada Kaaraan ayaa wuxuu u dhexeeyaa ciidamo Meleteri ah oo kala taabacsan Cusmaan Maxamed Maxamuud (Cusmaan Xaadoole) iyo Saneey Cabdulle Gaab.

Labadaan Sarkaal oo ka wadatirsan Meletiriga Soomaaliya ayaa inta badan ciidamadooda isku dagaalaan gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho, lamana oga waxa uu salka ku hayo dagaalka ka dhaxeeyo oo muddooyinkii ugu danbeeyay uu aad usoo noq-noqonaaye.