Dagaal u dhaxeeya Xisbiga Daljir iyo UPD oo si toos u soo shaac-baxay iyo codad tiriyihii doorashada Xasan Sheekh oo qorsho banaanka keenay..

MUQDISHO-AYAAMAHA-Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhex galay saaxiibo aad ugu dhaw Madaxweyne Xasan Sheekh oo kala ah:- Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir & Wasiiru dowlaha madaxtooyada Abshir Maxamed Bukhaari oo la sheegay in xitaa aysan  salaanta iska qaadin khilaafka awgiis ee ka dhex curtay labadan masuul. Hadaba maxay isku hayaan oo keenay khilaafkaan.

Faarax Sheekh Cabduqaadir waa laft dhabarta xisbiga UPD halka Abshir Bukhaari uu yahay xisbiga daljir.

Dagaalka Abshir iyo Faarax C/qaadir ayaa ka dhashay saameynta xisbiga Daljir ay ku dhex yeelatay durba Villa Soomaaliya, islamarkaana xubnihii madaxweyne xasan sheekh udhawaa ee Xisbiga UPD ayaa waayadaan fursad uwaayey inay la kulmaan, xitaa lakulankii Xasan Sheekh ayey waayeen sida aan wararka ku helnay.

Abshir Bukhaari waxa uu ka mid ahaa wafdigii madaxweynaha uraacay Garowe,waxa loo arkaa shakhsiga ugu dhaw waayadaan waxaana wasiir faarax uu ka carooday tallaabadaasi xisbiga Daljir usii kala fogeynayaan Madaxweynaha iyo saaxiibadiis Xisbiga UPD.

Xisbiga daljir ayaa dowladda Xasan Sheekh waxaa uu ka helay seddex wasiir oo kala ah Wasiirka Arimaha Gudaha: Axmed Macalin Fiqi. Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka: Xasan Macalin Maxamuud iyo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada: Abshir Maxamed Bukhaari.

Tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay helaan sedexdan wasiir ayaa waxaa Xisbiga Daljir ay lasoo baxeen awoodooda Dawlada Cusub, iyagoo meesha ka saaray xubnihii saameynta lahaa ee Xisbiga UPD ee dhanka dowladda.

Saameynta muuqata Ee Abshir waxaa la dareemay markii uu ka shaqeeyey in darajada ciidanimo loo soo celiyey General Saadaq Cumar Maxamuud (Saadaq John) bishaan Agoosto oo ay Abshir iyo Saadaq isku jufo kasoo jeedaan,balse General Cabdalla Cabdalla & Maxamed Cali Bariise iyaguna aan weli darajadii laga xayuubiyey xilligii Farmaajo dib loogu soo celin.

Dadka dhaliilay qorshaha Abshir Bukhaari ee saameyntiisa Villa Soomaaliya waxaa ka mid ah codad tiriyihii Xasan Sheekh Maxamuud Habeenkii Doorashada madaxweynaha la qabanayey Sakariye Gaashaan,kaasi oo dhaliilsan in keliya talo soo jeedinta Abshir uu Madaxweynaha dhageystay.