Dagaal u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo AL-shabaab oo ka socda Koonfurta Beledweyne

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Dagaal u dhaxeeya ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka oo garabsanaya kuwa dowladda Soomaaliya uu ka socda deegaanka Beer-xaanno oo dhaca Koonfurta Beledweyne.

Wararkuw waxaa ay sheegayaan in dagaalkaasi uu ka dambeeyay kadib markii ciidanka dowladda iyo kuwa Dib-u-xoreynta deegaanka ay weerar qorsheysan ku qaadeen degaanno ay isku uruursanayeen dagaalamayal ka titsan AL-Shabaab.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in intii uu socday dagaalka Ciidan gurmad ah oo uu hoggaaminayay Taliye Xasan Guuleed oo kamid ah saraakiisha guutada 5-aad qeybta 27-aad ayna wehliyeen ciidanka Gorgor ay gaareen goobta uu dagaalka ka dhacay.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in khasaare xooggan Al-Shabaab ku  gaarsiiyeen dagaalka ayna ka saareen deegaano aay kamid yihiin Beerxaano Tarashante Dhoqor iyo kuwa kale oo dhammaantood dhaca Koonfurta Magaalada Beledweyne kuna teedsan wabiga Shabeelle.

Khasaare xooggan ayaa ka dhashay dagaalkaasi, balse ilaa iyo hadda ma cadda tirada dhiamshada iyo dhaawaca, waxaana adag in la ogaado khasaaraha rasmiga ah, maaddaama sida wararku ay sheegayaan uu wali socdo dagaalku.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannada lagu dagaalamay ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay howlgallo kala duwan ka wadaan.