Dagaal Xoogan Oo Ka Dhexmaraya Dowlad Deegaanka Soomaalida & Canfarta.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay degaano ka tirsan gobolka City ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana uu dhex-maray  Ciidamada liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida iyo kuwa Canfarta dalka itoobiya.

Xaalada kacsanaan ah ayaa waxaa weli laga dareemayaa ilaa 7 tuulo oo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida, halkaas oo bilihii la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaalo dhowr ah oo u dhaxeeyay Soomaalida iyo Canfarta.

Dagaalkan ayaa sigaar ah uga socda deegaanada kala Madane, Dhabxale, Allaale, Caleenle, Tamari, Cobole iyo Dameero Cune, waxaana dagaalkaas uu ka dambeeyay kadib markii Ciidanka Canfarta ay weerar ku qaadeen kuwa dowlad deegaanka.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Ciidanka Canfarta ay weerareen tuulooyinka Gadhmalu, mayran,  kaldhash ee galbeedka City degaanka Soomaalida, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka socda, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen inay maqlayaan dhawaqa hub Culus oo la is-dhaafsananayo.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka inta la xaqiijiyay ay ku geeriyoodeen 8 ruux halka ku dhawaad 10 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo isugu jira labada dhinac & dad Shacab  ah.

Sidoo kale dadka qaarkood ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, isla markaana waxaa adeg xog dheeraad ah laga helo inta uu la egyahay khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida kana tegay Magaalada Jigjiga ay gaareen halka dagaalka uu ka dhacay, iyaga oo u gurmayay Ciidamada la weeraray.

Ciidanka dowlad deegaanka Soomaalida Liyu Boolis iyo kuwa Canfarta ayaa waxaa horey sidaan oo kale dagaalo kala duwan ay ugu dhex-mareen deegaano ka tirsan dowlad deegaanka, kuwaasi oo qaarkood geystay khasaaro.