Dagaalka gobolka Tigray ee Itoobiya oo galay marxalad halis ah

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaalka gobolka Tigray ee Itoobiya oo sii fidaya ayaa wajahay halis cusub Jimcihii, iyadoo sarkaal ka tirsan gobolka Amxaarada uu sheegay in ciidamada Amxaarada ay Sabtida weerar ku qaadi doonaan ciidamada Tigreega ee la wareegay gacan ku heynta magaalada taariikhiga ah ee Lailibela.

“Waxaa la joogaa xilligii dadka Amxaaradu ay cagta marin lahaayeen argagixisada, qof kasta waa inuu diyaar u noqdaa inuu is difaaco” ayuu yiri madaxa nabadda iyo amniga ee gobolka Amxaarada Sema Tiruneh oo la hadlayay warbaahinta gobolkaas.

Afhayeenka ciidamada Tigray Getachew Reda oo ka jawaabayay hadalka Sema Tiruneh ayaa u sheegay Associated Press “soo dhoweyn diirran ayaan u samayn doonnaa.”

Colaadahan ayaa xassilooni darro ka abuuraya dalka labaad ee ugu dadka badan Africa, halkaas oo kumanaan qof oo hore ugu dhinteen dagaalka socday sagaalka bilood.

Wareysi khadka taleefanka ah ayuu Getachew ku sheegay in ciidamada Tigray ay u tallaabeen gobolka Amxaarada iyo gobolka Canfarta toddobaadyadii la soo dhaafay, isagoo sida uu sheegayay ay isku dayayeen inay jebiyaan go’doominta ay dowladda Itoobiya ku soo rogtay gobolka Tigray.