Dagaalka Siciid Deni iyo Midowga Musharaxiinta oo banaanka yimid.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u muuqda in uu gaashaanka u daruuray aragti ay ku baaqeen qaar ka mid ah Midoowga Musharixiinta madaxweynenimada, kaas oo ahaa in la isugu yimaado shirweyne qaran oo looga arrinsanayo dowladnimada Soomaaliya

“Dadka dhahaya goleyaal hala dhiso waxa ay dib noogu celinayaan teendhadii Carte, waana arrin qatar ah, aniga waan qabaa in wixii qaldan la soxo, meel ay hawl ka socotana wax waa qaldamayaan” ayuu yiri Deni oo ay u egtahay in kala xarig furteen Midoowga Musharixiinta.

Mar sii horeysay, midoowga Musharixiinta ayaa eedeeyay dhammaan dowlad goboleedyada, kuna eedeeyay sida ay u maamuleen doorashada labada Aqal ee baarlamaanka.

Dhanka kale Deni ayaa soo hadal qaaday arrimaha federaalka, wuxuuna xusay in marka laga hadlayo nidaamka federaalka ay tahay in ciidamada militariga oo keliya ay noqdaan kuwa dowladda dhexe hoos taga.

“Sanadkii hore markii aan halkan imid ciidamada oo dhami waxa ay ahaayeeb kuwa federaal ah, balse waxaa la rabaa in ciidamada booliiska, daraawiishta iyo kuwa kale ay noqdaan kuwa dowlad goboleedka leeyahay” ayuu yiri Siciid oo sheegay in uu hadda arkay ciidamo Koonfur Galbeed oo tabobar ka baxay.

Wuxuu sheegay in dowlad daadijinta lagu daro dhismaha hay’addaha dowladda, oo ay koow ka yihiin hay’adaha amniga ka shaqeeya.