Dagaalka Sirdoonka Somalia:- Mahad Salaad oo garab lama filaan ah ka helay Cali yare.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa markii ugu horeysay taageero hiil iyo hoo la garab istaagay Mahad Maxamed Salaad oo ay xifaaltan siyaasadeed ka dhex jiri jireen.

Cali Yare ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook caawa waxa uu sheegay in uu Mahad Salaad uu ku difaaci doono xafiiska NISA intuu joogo garab iyo gaashaana unoqon doono.

Waxa uu gudoomiye Cali Yare sheegay in sidii uu hore u aaminsanaa madaxdii Dawladii hore oo kale uu ugarab joogo kuwa hadda joogo balse uu fikirkiisii siyaasadeed weli sidiisii uu yahay.

“Aniga oo ku dhaggan fikirkeyga siyaasadeed ee ii gaarka ah, hadana ka xafiis Amni ahaan, waxaan si buuxda ugarabjoogayaa Agaasimaha NISA Mahad Maxamed  Salaad waana la shaqeynayaa waana difaacayaa inta uu xafiiska fadhiyo sidii aan shalay ula shaqeeyay una difaacay Madaxdii isaga ka horreysay.

Wa Billahi Towfiiq”,ayuu yiri Cali Yare.

Cali Cabdi Wardheere Cali Yare Cali ayaa waxay isku heyb yihiin Mahad salaad weliba isku jifo hoose,dadka qaar ayaana ku tilmaamay in dhiiga biyo uusan aheyn oo ay xigtadu isku soo dhaweysay labada nin oo markii hore dab iyo baasiin isku ahaa.