Dagaalkii Guriceel ee maanta oo lagu kala adkaaday.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo saaka ay ka fuliyeen howlgal lagu soo celinayo magaaladaas gacanta dowladda.

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa banaanka magaalada oo la sheegayo in ay ku sugan yihiin kooxdii Ahlu sunna ee magaalada laga saaray.

xaaladda ayaa hadda caaadi ku soo laaabatay dad badan ayaana lagu dhex arkayaa magaalada oo maalimihii la soo dhaafay dad badani iskaga barakaceen.