MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa is faham hordhac ah laga gaaray shaqaaqo maalmo ka hor ka dhacday deegaanka Gubadley ee degmada Kaaraan, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamo ay kala hoggaamiyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo kala ah G/sare Saney Cabdulle iyo Col. Cismaan Xaadoole.
Ciidamadan ay kala hogaaminayaa labadan serkaal ayaa dhowr jeer isku dagaalay duleedka Degamada Kaaraan er magaalada Muqdisho, ayagoo dagaalkaas uu ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa ku guuleystay inuu isu keeno labadan Sarkaal ee xurgufta u dhaxeeysay, waxaana gogol uu maanta u dhigay is faham hordhac looga gaaray wixii dhexmaray.
Labada ciidan ayaa kala hoggaaminayeen saraakiishan ee maalmo ka hor iska hor imaadka dhex maray, waxaana loo balansan yahay in maalmaha soo socda la fidiyo gogol ballaaran oo lagu soo afjarayo xurguftaas.