Dal Dadka Dhinta Ay Ka Badan Yihiin Carruurta Dhalata.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kuuriyada Koonfureed ayaa sanadkii 2020 markii ugu horreysay taarriikhda dalkaas diwaan gelisay dhimasho ka badan carruurtii dhalatay, tan oo walaac ka abuurtay dalkaas oo haatanba ah kan ugu hooseeya dunida marka la eego carruur dhalitaanka.

Keliya 275,800 oo carruur ah ayaa dhalatay sanadkii la soo dhaafay, taas oo 10% ka yar tiradii sanadkii 2019. Ilaa 307,764 oo qof aya dhimatay sanadkii la soo dhaafay.

Tiradaas ayaa horseeday in wasaaradda arrimaha gudaha ay ku baaqdo in “isbeddello waaweyn” ay ku sameyso siayasadaheeda.

Bulshada hoos u sii dhacaysa ayaa walaac ku abuurtay dalkaasi.

Tirada dhallinyarada bulshada ee sii yaraanaysay ayaa sababtay shaqaale yaraan, taas oo saameyn ku yeelatay dhaqaalaha dalkaas.

Bishii la soo dhaafay, Madaxweyne Moon Jae-in ayaa soo saaray dhowr siyaasaddood oo looga gol leeyahay wax ka qabashada xaddiga hoose ee dhalmada, oo ay ka mid tahay in lacago la siiyo qoysaska.

Barnaamijkan ayaa looga gol leeyahay in wixii loo gaaro 2022, cunug walba oo dhasha lagu bixiyo labo milyan oo lacagta dalkaas ah una dhiganta ($1,850; £1,350) si qoysaska looga caawiyo kharashaadka isbitaalka, waxaa intaas dheer iyadoo qoysaska bishii la siin doono lacag dhan 300,000 ilaa uu ilmuhu ka gaaro hal sano. Lacagtan ayaa la kordhin doonaa oo laga dhigi doonaa 500,000 bil walba, marka la gaaro 2025.

Waxaa ugu weyn, gudaha Kuuriyada Koofureed, haweenka waxay la dalaa dhacaan isku dheellitirka shaqada iyo nolosha kale.

Hyun-yu Kim waa mid ka mid ah haweenkan. Waxay ugu weyn tahay afar carruur ah oo la dhalatay, waxay ku riyoon jirtay inay sameysato qoys ballaaran. Balse waxay la kulantay xaalado aan u saamaxayn, waxayna haatan dooneysaa in dib uga fekerto qorshaheeda carruur dhalitaanka.

Waxay dhowaan heshay shaqo cusub balse waxay walaac ka muujisay inay qaadato fasaxa dhalmada. “Dadku waxay ii sheegaan inay ii fiican tahay inaan marka hore dhiso xirfaddeyda,” ayay u sheegtay BBC-da.

BBC/AYAAMAHA